Ereyga Maanta: afxirasho
alla-uxiir Qof sidii loo dhalay aan timo u soo bixin.
allabbari1 1. Alle wax ka bari; ducaysi. 2. Cunto ay samayso cid ducaysanaysa. 3. allabbariyid.
allabbari2 1. Rabbi baryid; Ilaah wax ka tuugid. 2. Cunto lagu ducaysanayo samayn.
allabbariyid eeg allabbari². ld allabbari¹ (3).
allacaabud ld ilaahcaabud.
allacaabudid ld ilaahcaabudid.
alladiidnimo (taar.) Rumeyn in uusan Ilaah jirin.
allaqabey Qof aan khayr badan lahayn.
allaylee ld allaylehe.
allaylehe Erey la yiraahdo marka wax dhacay ay sidii loo filayay noqdaan; akkidid in wax dhacay ay sidaas noqonayaan. Wuxuu ka koobanyahay “Alle”, “i” iyo “lehe”. ld allaylee.
Alle (dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
allebadane (dii.) Rumeyn, ama caabudid in ka badan hal ilaah; shirki.
alleyl Habeen bar, saqdhexe.
allif1 ld allifid.
allif2 Maanso, muusiko, figrad cilmiyeed iwm curin.
allifaad Awoodda qof u leeyahay wax curinta. ld allifid.
allife Qof maanso, muusiko, figrad iwm curiya.
allifid eeg allif². ld allif¹, allifaad (2).
alluumiiniyam (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
alluumiiniyam ogsaydh (kiim.) Budo cad oo aan biyaha ku milmin. Way la falgashaa asiidhada iyo alkaliyadaba sababta oo ah waa laba-eefle.