daal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.
  2. Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.
  3. (daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.
  4. Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

noog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood.
  2. Hawl darteed tamar yarayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

d

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).

Lamidka: deel

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur