gan
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- 1. Dhogorta nafleyda oogadeeda ka baxda. 2. Farqaha dhan-hoosaadka dermada, kebedda iyo raarka. 3. Heer dhaqaale, bulsho ama siyaasa.
- 1. Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo. 2. Labada ilig ee sare middood. 3. Bir, qori iwm qoroofan oo wax la sur.
- Xabbad, fallaar iwm ridid, tuurid. ld ge.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

