kal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Waa; goor; sano. 2. Miile.
  2. 1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan.
  3. (jool.) Qayb ka mid ah taxanaha waqti jiyoolojiyeedka, oo ah in ka mid ah waaga, kal naftigiisa waxaa loo sii qayb-qaybiyaa saman-saman.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

waa

Qaabnax: Qurub | Diirad, Particle | Focus

Macnaha:

  1. Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.
  2. 1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
  3. 1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.
  4. (jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

goor

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sano

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l/siniin, m.dh)

Macnaha:

  1. ld sannad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

miile

Qaabnax: Magac Lab | Noun Masculine

Macnaha:

  1. Toogeysiga wax lagu kaltamo. ld miilo¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hiyi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Laab; kal; qalbi; niyad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

laab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro.
  2. Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
  3. 1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad.
  4. Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.

Lamidka: luuq, jiiro

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qalbi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (quluub, m.dh) 1. Laab; kal. 2. Xasuus.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur