goor

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.

kol

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
  2. K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”

xilli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Waqti; goor; ammin. 2. Nur.
  2. (c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed.

waqti

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Waa; goor; jeer; shin; ammin. 2. Xilli; nur. ld wakhti.
  2. (fiis.) Summad t. Xaddiga sahla in aynu kala saarno laba dhacdo oo isku mid ah, kana dhacay isku meel. Gaalis u dhexeeya labadaa dhacdo ayaa ah aasaaska cabbirka waqtiga.

ammin

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. Goor; waqti. ld immin.
  2. (nax.) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.

g

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.