1. (bot.) Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kaleba laga sameysto. 2. Weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la xoolayn. 3. Weel qabo ka samaysan.
1. (f.g) Wax gacan ku dhigid. 2. (f.g) Dhul, dad iwm hub ku hanasho. 3. (f.g) Cid fal xun ku kici lahayd ka celin. 4. (f.g) Shaqo fulin. 5. (f.g) Meel aadid. 6. (f.mg) Is q.: arrin iwm oo lagu kici lahaa ka harid. 7. (f.mg) Laba qof ama ka badan iska hor imaasho. 8. (f.mg) Is q.: laf jabtay xiriirsamid.