aw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Nin cibaadeysta oo aan diinta Islaanka wax badan ka aqoon. 2. Awoowyaashii hore. 3. ld aawo, awo¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

aawo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iwm oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tus. “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. ld aw.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

awo

Qaabnax: Magac, Dheddig, Falkaab | Noun, Feminine, Adverb

Macnaha:

  1. ld aw.
  2. Qof si marakudhegnimo u baryid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur