Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-lo, m.l)
Macnaha:
Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.
Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
Ood ku wareegsan meel la degganyahay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
1. Dad meel miyi ah wada deggen. 2. Beesha shinnida.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur