lakab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. In is-haysato oo fidsan oo isku qira ah; baal; dabool. 2. Ilig agtiisa ilig kale ka soo baxo.
  2. (jool.) Ha badnaado hase yaraadee waa lakab gooni ah oo dhadhaabeed, oo ka mid ah rasooyinka dhulka oogadiisa.

baal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
  2. Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.

dabool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. ld daboolid.
  2. Gudin weyn.
  3. 1. Weel iwm si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tus. “Daruur baa cirka dabooshay”.