dhaaw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹.
  2. 1. Cid habaarid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka daaweyn. 3. ld dhaw².

habaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhibaato cid Eebbe looga baryo.
  2. Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid.

inkaar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhibaato qof Ilaah looga baryo in ay ku dhacdo.
  2. Dhibaato Ilaah cid uga baryid.

dhaawid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dhaaw². ld dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.

dhaw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld dhaaw¹.
  2. (dhebay, dhebtay; dhebi) 1. Wax nabar ku dhufasho. 2. Nin, naag u galmood. 3. ld dhaaw².