haar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban.
  2. Qaylo, taah, dhaqdhaqaaq iwm oo uu sameeyo qof xanuun badani hayo.
  3. Xanuun awgiis la taahid (qof).

Lamidka: taag, buur, gaaban

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

taag

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gag, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
  2. 1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro.
  3. 1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

buur

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-rar/-ro, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Wax sida dhagax ciid iwm oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.
  2. 1. Wax sida ciid, dhagxaan iwm meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gaaban

Qaabnax: Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4

Isrogrogga: (-bnaa, -bnayd)

Macnaha:

  1. Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur