dhac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid.
  2. 1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).

ah

Qaabnax: Fal Gudbe4 | Verb Transitive4

Macnaha:

  1. (yahay, tahay; ahaa, ahayd) Wax xalaad ku sugnaansho.
  2. ld aah.

dhicid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dhac². ld dhicis², dhicitaan.
  2. Xero-ka-bixidda uu neef geel ahi xerada ka baxo.