naaf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-fo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.
  2. Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhaawicid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dhaawac².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

curyaamin

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg curyaami. ld curyaamis.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

naafee

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-feeyay, -faysay)

Macnaha:

  1. 1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur