doon

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-oomo/-nyo, m.l)

Macnaha:

  1. Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.
  2. 1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.
  3. 1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iwm caatoobid.
  4. 1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xaryan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xoolo badan. 2. (-nno/-mmo, m.l./dh) Nooc ka mid ah doonyaha waaweyn, siiba kuwa shiraacyada badan leh.
  2. Xoolo badan hal mar wada guurid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

doonni

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld doon.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur