Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Macnaha:
1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.
eeg haddii.
1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
Geeri; dhimasho. ld wad.
Wax dilid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Macnaha:
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta
soomaaliga, ahna shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Qurub | Particle
Macnaha:
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
1. Murqaha luqunta, tun. 2. Dhagax midabbo badan leh oo derbiyada ama sibirka guryaha lagu qurxisto. 3. ld marmarid.
Kolkol. ld mar¹.
1. (f.g) Il wax ku dhaceen farta ku rugid. 2. (f.mg) Meel hore iyo gadaal ugu socosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac, Dheddig, Falkaab | Noun, Feminine, Adverb
Macnaha:
Hadda; eegga. ld imminka.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2
Isrogrogga: (dayay, deysay; deyn)
Macnaha:
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.
Lamidka: dayay, deysay, deyn
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Xiriiriye | Conjunction
Macnaha:
Laakiin, ha ahaatee. Tus. “Afka carabiga wuu fahmayaa, misana kuma hadli karo”. ld misna.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Falkaab | Adverb
Macnaha:
Qurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tus. “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-rar, m.l)
Macnaha:
Deerada keeda lab.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: qr.diid
Macnaha:
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.
1. Qurub tilmaama in ay su'aali
saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”.
2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid
qofkaa?”.
ld mise.
1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Macnaha:
Wax la cuno. ld had (3).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Xiriiriye | Conjunction
Macnaha:
1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tus. “Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”, “Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur