han

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.

qab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
  2. 1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.
  3. 1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.