tan
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.
- (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”.
- Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tus. “Tintan tayda ma aha”.
- Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tus. “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”.

