hawraar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Hadal; oraah; weer.

hadal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
  2. Ereyo macno leh sheegid.

oraah

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ho, m.l)

Macnaha:

  1. 1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.

weer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Bahal dugaagga ka mid ah oo dhurwaaga u eg; dhidar. 2. Cad maro ah oo cad oo madaxa lagu xirto oo astaamaha tiiraanyada lagu muujiyo; hangal.
  2. (nax.) Ereyo taxan oo micne buuxa leh; yacni wadajirka khabarka iyo mawaadiicdiisa; hawraar.
  3. Weer xirasho.