hil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Boqol siib oo caw ah oo isku xiran. 2. Meel jiq ah oo webiga jiinkiisa ah. 3. Suuman ama xargo lagu xiro weelasha. 4. In culays ah oo nafley mar qaadi karto (h.kiisa, h.keeda). 5. Jawaan, derin iwm oo dhowraarin looga dhigo qarbadka la dhaansado.
  2. 1. (f.g) Weel xarig, suun iwm afka kaga dhuujin. 2. (f.g) Wax dhowraarin u yeelid. 3. (f.mg) Ku h.: gaadiid wax uu qaadi karo saarid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur