hooyo

Qaabnax: m.l.w

Macnaha:

  1. eeg hoy.
  2. 1. Qof dumar ah oo wax dhashay. 2. Erey gacalo. 3. U.j: hooyoy! 4. U.j: wiilkaygiyow!; gabadhaydiyey.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

u

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.
  2. u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

j

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hoy

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ga, -yo)

Macnaha:

  1. (hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri.
  2. ld hoo³.

Lamidka: hoyga

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur