illin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-mmo/-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iwm laga galo; irrid.
  2. 1. (m.u) Biyaha indhaha ka yimaadda; ilmo. 2. ld illis. eeg illi.

irrid

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do/irdo, m.l)

Macnaha:

  1. Meel furan oo laga soo galo (deyr, guri qol iwm).

ilmo

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. Dhallaan; caruur; ubad.
  2. Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.

illis

Qaabnax: Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine

Macnaha:

  1. ld illin² (2).

illi

Qaabnax: Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. U i.: Cid kabo u gelin.