Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
Geed qodxeed miro la cuno leh oo qolof adag leh, layskuna daaweeyo; shillin; kulan; quud.
ld kadi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-mmo/-maad, m.l/dh)
Macnaha:
ld shilin¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-ammo, m.dh)
Macnaha:
Isu imaadka dad meel isugu yimaadaan; urur; shir. ld kulanti.
(xis.) Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa.
Dad meel isugu imaansho ama ku shirid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2
Isrogrogga: (-iyay, -isay)
Macnaha:
Si kedo ah u dhicid. ld kedi².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur