saar
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-rar, m.l)
Macnaha:
- 1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.
- 1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid.

