jaho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. ld jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.
  2. 1. ld jiho 2: wax uun ku dhaqaaqid. 2. Xanuun la ledi waayid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

doc

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-co, m.l)

Macnaha:

  1. Barbar; dhinac.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gees

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-so, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iwm), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdaree.
  2. 1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iwm: dhinacayga, dhinacaaga iw.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhinac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jiho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld jaho¹.
  2. ld jaho².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur