xag

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhan; jaho; dhinac; gees.
  2. Candhada xoolaha horaad iyo danbeed isku dhinac ah.
  3. Ciddiyaha, ilkaha iwm cid wax ku yeelid (xagasho). ld xago.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhinac, gees. 2. Erey lagu isticmaalo ereyada lammane ah oo cabbidda micneeya. Tus. “Caana dh.”.
  2. Caano cabbid.
  3. Wax aan wax ka dhinnayn ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jaho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. ld jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.
  2. 1. ld jiho 2: wax uun ku dhaqaaqid. 2. Xanuun la ledi waayid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhinac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gees

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-so, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iwm), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdaree.
  2. 1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iwm: dhinacayga, dhinacaaga iw.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xago

Qaabnax: Fal Gudbe3 | Verb Transitive3

Isrogrogga: (-gtay, -gatay)

Macnaha:

  1. 1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur