gees
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-so, m.l)
Macnaha:
- 1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iwm), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdaree.
- 1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iwm: dhinacayga, dhinacaaga iw.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

