jiil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac.
  2. Nirgo qoryo fiiqfiiqan oo si farsamo ah loo habeeyey si aysan wax u nuugin gafuurka uga xirid.

dalab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
  2. Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan.
  3. Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.