luun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-uumo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar.
  2. Tib xoog leh oo sabuulka meseggada lagu shukulo.

jiil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac.
  2. Nirgo qoryo fiiqfiiqan oo si farsamo ah loo habeeyey si aysan wax u nuugin gafuurka uga xirid.