juul

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. (xis.) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

c

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur