kiin

Qaabnax: mu.dhm.ly

Macnaha:

  1. Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus. “Wuu iga kiin waday”.
  2. ld kiinna².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kiinna

Qaabnax: mu.lh.l

Macnaha:

  1. (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Kiinna warkiisa iskaba daa!”.
  2. Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. ld kiin².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur