lib

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Adkaashaha dagaal ama wax kale oo lagu adkaado; guul. 2. Abaal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

guul

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xoolo aroor ah oo ka dhaxay xeradoodii. 2. ld guulid.
  2. Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.
  3. 1. (f.g) Cid haddadid. 2.(f.mg) Xoolo aroor ama wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho. 3. (f.mg) Xoolo iwm dhaan isugu keenid. Tus. “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

abaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Samo cid loo galo. Tus. “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tus. “Xasan, abaal baan u hayaa”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur