laf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-fo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Mid ka mid ah qalfoofta nafleyda. 2. Bur yar. 3. Qolo; jilib. 4. Qaybta adag ee ku dhex jirta miraha. 5. L.tayda (-taada, -tiisa iwm): eray sii adkaynaya qofka laga hadlay oo sheegaya in qofku qofkaas yahay ee aan cid kale la sheegayn; qofka naftiisa.

qolo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.

jilib

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-lbo, m.l) Meesha shanshada iyo bawdada dadku iska galaan. 2. Buur yar. 3. (-byo, m.dh) Qayb ka mid ah qolooyin wada dhashay. 4. (-byo, m.dh) Bir yar oo caarad godan leh oo kalluunka lagu dabo; maqaalin. 5. J. u dhig: qof ama wax iska daaficid. 6. Jilbaha u dhig: qof ama wax iska dhicin.
  2. Dhul yar, bannaan oo degaan ku habboon.

l

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (la', laan, laam)

Macnaha:

  1. Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.