maad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado.
  2. Hadal ama sheeko lagu qoslo.

Lamidka: gaashaan

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gaashaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno/-ammo, m.dh)

Macnaha:

  1. Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iwm.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur