daac

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Qabatoon; macaluul; diihaal.
  2. 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. ld daaco².

Lamidka: qabatoon, macaluul, diihaal

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qabatoon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda. 2. Muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda.
  2. 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda dareemid. 2. Cunto iyo cabbid muddo dheer laga raagay darteed dhibaato badan dareemid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

macaluul

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhuubnaan ama xayeesinnimo ku dhacda nafleyda oo ka dhalata nafaqadarro.
  2. Naflay nafaqo-darro ama jirro darteed u caatoobid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

diihaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Gaajo aad u daran. ld daahiil¹.
  2. Gaajo badan dareemid. ld daahiil².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

daaco

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn.
  2. ld daac².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur