mabda'

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-'yo/-baadi', m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Feker iyo aaraa habaysan oo cidi aamminsan tahay. 2. Aasaaska fikradaha cilmiga ah ee ku saabsan sayniska, diinta akhlaaqda iwm. 3. Ujeeddo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ujeeddo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur