maqaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.l/maqaar, m.dh)

Macnaha:

  1. Dub.
  2. (c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee haragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waa dubka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumahadhiiggu, dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo marinnada dhididka.

Lamidka: Dub

dub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Maqaar, harag iwm. 2. Qolof adag oo ay dusha ku yeeshaan geedaha ama miraha qaarkood.
  2. ld dib¹.
  3. (c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waad.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.
  4. Hilib iwm dab ku solid.