muud

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld muudid.
  2. (baay.) Dareere hurdi-caddaan saafiya ah, kaasi oo soo hadha marka dhiiggu xinjiroobo kaddib, badanaana wuxuu ka kooban yahay balaasmo aan lahayn wakiillada xinjirowga dhiigga.
  3. 1. Si dhuumasho ama qarsoodi ah kayn ama biyo dhexdood u marid. 2. Ka m.: biyo, kayn iwm meeshii laga galay ma'ahee meel kale oo ka fog ka soo bixid. 3. U m.: meel si qarsoodi ah u aadid.

muudid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg muud³. ld muud¹.