muus

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-sas, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Mindiil daab leh, isku laabanta, oo lagu xiirto. 2. ld moos².
  2. Biyo hoos u gelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

moos

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-sas, m.l/-syo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talagalay inuu biyaha daadka ah celiyo. 2. Biyamareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada. 3. Cabbirka beeraha oo dhan jibaal afar meelood loo qaybiyey meel ahaan.
  2. 1. (bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2).
  3. 1. Dhis ama dhoobo beer iwm biyo kaga celin. 2. Biyo daad ah weecin ama duwid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur