qaabi

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. 1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1).

Lamidka: qaab, qaaban

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir.
  2. ld qaabi.

Lamidka: hab

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaaban

Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1

Isrogrogga: (-bmay, -bantay; -bmi)

Macnaha:

  1. 1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1).
  2. Wax qaab loo yeelay ahaansho.

Lamidka: qaabi

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur