qaylo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhawaaq dheer oo nafley sameyso. 2. Canaan. 3. Digniin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

canaan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

digniin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld digid.
  2. 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.