qiro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. ld qaro.
  2. Qof fal in uu sameeyey caddeyn.

dhumuc

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Inta wax dherer leh, siman ballarkiisa ama weynaantiisu le'egtahay.

baaxad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Ballac.

Lamidka: Ballac

qaro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld qiro¹.