qoton

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Joog; dherer, taagnaan. 2. ld qotomid.
  2. Weel, iwm meel salka ku hayn.

joog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. ld jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto.
  2. (juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.
  3. 1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.

qotomid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg qoton². ld qoton¹ (2).