qoys

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-sas, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Laba isu dhexda iyo carruurtooda; xaas. 2.Qolo; reer.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xaas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-sas, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.
  2. Nafley caato noqosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qolo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

reer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Laba qof oo isqaba iyo ubadkood; qoys. 2. Dhawr qoys oo wadaaga dhalasho ama degaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur