qolo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.

qabiil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh/qabaa'il, m.l)

Macnaha:

  1. Dad dhalasho wada sheegta. ld qabiilo.

ummad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. 2. Dad.