saan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-aamo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tillaabo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld tallaabo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

raad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur