sar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Aqal weyn oo dhagax iwm laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo'ah.
  2. Wax jeexdin yar u yeelid.

daar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar.
  2. 1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.
  3. 1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.