fur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-rar, m.l)
Macnaha:
- Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm.
- Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.
- 1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.

