tayo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Sifo lagu garto dhalanka ama abuurta wax kale leeyihiin oo waxyaale kale kaga duwanyihiin; nooc; jaad.
  2. Tan annagu aannu leenahay. ld taayada², taayo, tayada.

nooc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cac, m.l/-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Qayb wax ka mid ah oo leh tilmaamo u gaar ah; cayn; namuun.

jaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld qaad 1. Geed caleentiisa, laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc. 3. Kala jaad: kala duwan.
  2. 1. Qaad cunid. 2. Ku jaad: cid shaqo u xilsaarid.

Lamidka: qaad, nooc

taayada

Qaabnax: mu.lh.dh

Macnaha:

  1. (kuwayaga, w) Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Taayada lama taaban ka-ro”.
  2. Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Buugaagtayadu way ka duwanyihiin kuwiinna”. ld tayo².

taayo

Qaabnax: dk.lh.dh

Isrogrogga: (-taayo)

Macnaha:

  1. ld taayada².

tayada

Qaabnax: dk.lh.dh

Isrogrogga: (-tayada)

Macnaha:

  1. ld tayo².