tiinQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounMacnaha:1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.ld tiinna².Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
macdanQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:(macaadin, m.dh) 1. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam.(macaadin, m.dh) (kiim.) Walax dabiici ah, oo noole aan ahayn ama aan ka imaan, oo leh isku dhis kiimikaad, isla markaasna leh astaamo fisikeed iyo kiimikeed oo cad. Halkaa waxaa ah ilaa 2000 macdanood oo la maranayo, oo leh qaabab wiriqeed oo kala duwan, laakiin macaadinta bah wadaagta ah kala duwanaashahoodu waa yaryahay.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
tiinnaQaabnax: mu.lh.dhMacnaha:(kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin.Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Waa la ogaaday sirtiinna”. ld tiin².Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0