Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-bo, m.l)
Macnaha:
Dhabbe; waddo.
(c.fal.) Jidka ay maraan walxaha samaddu marka ay dulalaatiga dhex jiirayaan iyadoo loo fiirinayo bar la doortay. Tubta dhulku waa jidka uu maro dhulku marka uu ku meereysanayo qorraxda.
Wax badan meel isugu keenid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-bayaal, m.l/dh)
Macnaha:
Jid ay baabuurta, xoolaha iwm maraan oo cagta lagu bixiyey. ld dhabbo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur